Pages

Waa maxay shabkada Somali Akademik?

SomAka ama Somali Akademik waa shabkad ay aas aaseen dhalinyaro jaamacad dhicagato.

Somali Akademik fikradeeda waxaa ka danbeeyay walaalkeen
Mohmaed Hassan Aden. Shabkadaan waa shabkad madax banaan oo dad waynaaha u adeegi doonto dhinacyo kala duwan, waxaay diirada saari doonaa dhinaca IT-ga ama Information Technology-ga.

SomAka waxaay u adeegi doontaa shacabka ay ka na haqabtiri doonto technolagiyada casriga ah, waxaay nu u diiyiyaarinay dad waynaha  Somaliyeed casharo aad u qiimo badan oo ku bixi doono Luqadooda Hooyo(Somali), cashiradaasoo meelka kala duwan taaban doona insha Allah. SomAka; cashirada aay bixinayso oo idil waxaay ahaan doonaa Luqada Somliga.


Yaa luugu talagalay Cashirada ay bixin doonto Shabkada Somali Akademik?
Shabkada SomAka waxaa loogu talagalay CIDWALBO soo SOOMAALI ah ama luqada Somali ku hadasho. Sidaan horay u sheegnay casharadeena waxay ku bixi doonaan luqadeena Hooyo (Somali), marka waxaynu soo dhawaaynaynaa cidwalba oo jecel inaay ka faaidaysato casharadaan.


Casharada Somali Akademik maxaa ka mid ah?
Waxaynu idiin soo gudbin doonaa casharo kaal duwan oo taaban doona dhinacyada kala duwan ee IT-ga ama Information Technology-ga: 
1. Windows 8 Training oo Somlia  (casharo taxano ah oo windows 8 ku saabsan)
2. Python programming ( waa luqad lugu programiyo computer-ada)
3. java programming (sidoo kale waa luqad wax lagu programiyo)
4. Linux (sida backtrack 5 ama Kali linux,,, Ubuntu)
5. Cisco ( Gaar ahaan ICND1 iyo ICND2, CCNA)
6. Photoshop cs 6 (sida looga jar-jaro sawidara ama edit loogu sameeyo)
7. iyo casharo kale oo soo socdo Insha Allah 





0 comments:

Post a Comment

----------------------------------------------------------

Fadlan Caawi shabkada

----------------------------------------------------------